Saliidda National Performax HDX8 waa saliid la tijaabiyey wax qabadkeeda, waxaana loogu talagaly in loo isticmaalo gawaarida Diesel-ka ama naaftada ah.

Sidoo kale Saliiddani waxay waafaqsan tahay dhammaan halbeegyada caalamiga ah ee loo jaan-gooyey saliidaha, haddii ay noqon lahaayeen halbeegga qarada saliidda ee SAE oo National Performax HDX8 qaradeedu waa 15W-40 iyo halbeegga wax-qabadka ama wax-tarka saliidda ee API oo wax-qabadkeedu waa CI-4.

Faaiidooyinka Saliidan:
1. Waa saliid si la hubo loo tijaabiyey, isla markaana waafaqaan Shuruudaha caalamiga ah ee EGR Criteria.
3. Waxay baxnaanisaa gudaha matoorka, iyadoo ka ilaalinaysa isku-dhagga iyo is-xoqitaanka.
4. Waxay sidoo kale mid mid ula falgashaa riinka; rasaasta; saliid duugayaasha; iyo dhammaan wixii la hal-maala ee ku xidhan caafimaadka matoorka.